Uncategorized

Askari Boolis ah oo Xalay lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Koox Hubeysan ayaa Xalay Fiidkii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ku dishay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus.

Alle ha u Naxariistee Askariga la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cumar Xasan Maxamed,waxaana uu ahaa Askari Jiis ah,waxaana la sheegay in mid kamida Lugahiisa ay horay u go’neyd.

Marxuunka la dilay Cumar Xasan Maxamed ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliska Ee Saldhig Galbeed,iyadoo Warar hoose oo ay heshay KNN ay sheegayaan in ka hor inta aan la dilin Marxuunka Goobta lagu dilay lagu balamiyay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dlika,waxaana ay ku Qoreen Websetyada Taageera Al-shabaab in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dileen Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya oo ay Magaciisa ku soo koobeen Cumar Khadar.

Hayeeshee weli Laamaha Ammaanka kama hadlin Dilka Alle ha u Naxariistee Cumar Xasan Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.