Somali News

Askari horey u dilay askari kale oo maanta xukun lagu riday.

Muqdisho-KNN-Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo heystaa dilka  Marxuum  Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.

Ciidamada amniga  ayaa  ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna  24-ka bishii  12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen  in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee  caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maanta  sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum  Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed.