Somali News

Askari ka tirsan booliska dalka Britain oo lagu heley xag-jirnimo

Toddobaadkan ayaa sarkaal ka tirsan booliiska Ingiriiska lagu heley denbi ah in uu xubin ka yahay koox naasiyiin ah oo dalkan Britain mamnuuc ka ah.

Ninkan booliiska ah ayaa lagu helay in uu haystay alaabada ay isticmaalaan dadka argagixisada ah iyo fikrado ay ka mid yihiin rayighii uu aaminsanaa ninkii u dhashay dalka Norway Anders Behring Breivik oo dad badan toogasho ku diley wadankaas.

Benjamin Hannam oo 22 jir ah ayaa ka tirsanaa Booliiska magaalada london, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay askarigii booliiska ahaa ee isaga oo shaqada ku jira lagu helay denbi ah argagixiso.