Somali News

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Askari kale ku dilay D/Hodan

Muqdisho-KNN-Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta Askari kale ku dilay degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada lamana oga sababta dilka keentay.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Ciidamo kale ay baacsadeen Askarigii dilka fuliyay, ilaa hada lama xaqiijin karo in Askariga dilka fuliyay la soo qabtay iyo inkale.