Uncategorized

Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Maanta Askari kala ku dilay Degaanka kala Beyr ee G.Hiiraan

Baladweyne-KNN-Wararka ka imaanaya Degaanka kala Beyr ee Waqooyiga Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa Sheegaya in Maanta Askari ka Tirsan Ciidanka Booliska uu Askari kale oo minishiibiyaha ku Dilay Degaankaas.

Goobjoogayaal ku sugnaa Goobta uu falkan ka dhacay ayaa KNN u Sheegay in Askariga Booliska iyo Askari kale ee la dilay Ay ku mur-meen Lacag la Sheegay in laga qaaday gaadiid soo gala degaanka kala beyr ee Gobalka Hiiraan,islamarkaana Askariga minjshiibiyada kadib sidaas lagu dilay.

Saraakiisha Ciidamada ee Ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa Sheegay in Gacanta haatan lagu hayo askari dilka u geystay askari kale oo ka Tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiishan ayaa waxaa ay Shaaca ka qaadeen in cadaalada la horkeeni doono Askarigan dilka u geystay Askari kale.

Dhacdooyinka Noocan oo kale ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen Gobalka Hiiraan.