Uncategorized

Askari ka Tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo lagu dilay Degmada Hiliwaa.

Waxaa dabley hubeysnaa ay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku toogteen Isgooyska Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Kooxahan oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa in ay toogasho ku dileen Askari ka mid ahaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay kulmiye ayaa waxuu sheegay in dilka kadib raggii hubeysnaa ay hore u qaateen Qorigii uu watay Askariga lagu dilay toogashada.

Dableydii ka dambeysay falkaasi dilka ahaa ayaa durbaba isaga baxsaday goobta, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo kuwa amaanka oo bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Lama oga hadii dad loo soo qab qabtay dilkaasi ka dhacay Degmada Hiliwaa.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku batay dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo Askar, Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Odayaasha qaarkood ee ka soo qeyb qaatay doorashooyinka ay ku soo baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka.