Uncategorized

Askari ka tirsan ciidanka dowlada soomaaliya oo maanta lagu dilay degmada warta nabada.

Muqdisho-KNN-Kooxo hubeysan ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka  nabad sugida dowladda  Soomaaliya ku dilay magaalada Muqdisho, xaafada janaraal daa’uud gaar ahaan degmada Warta Nabada ee gobalka banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay inay wateen bistoolad,iyadoona marka ay dilka fuliyeen kadib ay goobta ka baxsadee.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda kulmiye u sheegay in kooxo bisloolado ku hubeysan ay askari ka tirsan nabad sugida Soomaaliya ku dilay warta Nabada ee Gobalka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, waxaana socda howl gallo baaritaano ah oo ay sameynayeen ciidanka.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waqti kooban hakad giliyay isku socodka Gaadidka  iyo dadka,iyadoona mudooyinkii dambe ay sii kordhayeen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.