Uncategorized

War deg deg ah: Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo shacab ku dilay Jowhar.

Jowhar-KNN-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay Labo qof oo kalane waa ay ku dhaawacmeen rasaas uu furay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Qudaarta magaalada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Askariga uu la murmay Ciidan kale oo ka tirsan Dowladda kadib markii laga hor istaagay Lacag Sharci daro ah oo la sheegay in uu ka qaadayay Shacab qudaar ku iibiya Suuqa Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.

Askariga ayaa la sheegay in uu rasaasta uu ku furay dad isugu jira Ciidan iyo Shacab kadibna ay halkaasi ka dhalatay khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawaca Shacabka soo gaaray iyadoo Saraakiisha amaanka ay sheegeen in ay Hayaan Askariga dhibka geestay.

Xubno gobalka Ka tirsan iyo Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay Sharciga waafajin doonaan Askariga Dadka ku dilay Jowhar kuwa kalane ku dhaawacay Bartamaha Magaalada.

Xaaladda Suuqa oo muddo hakad gashay ayaa dagan Xiligaan waxaana Caadi ku soo laabtay Ganacsiga suuqa mana jirto wax Ciidan ah oo hada halkaasi ku sugan.