Uncategorized

Askari ka tirsan Ciidanka minishiibiyada Soomaaliya oo qof shacab ah ku dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay Wiil dhalinyar ahaa oo ka tirsanaa Wadayaasha Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay Askarigii dilka ka dambeeyay dilkaasi.

Dilka ayaa waxaa ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Wadooyinka oo loo yaqaano Minishiibiyo oo ay ku murmeyn lacag sida la sheegay.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir waxa uuna u dhintay Marxuumka dhaawac soo ka soo gaaray rasaas lagu furay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Taliyaha Saldhigga degmada Shangaani ayaa KNN usheegay in gacanta lagu dhigay Askariga,  nin kale oo la socday iyo Bastooladii uu dilka ku geytay.