Dhuusamreeb-KNN-Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qof shacab ahaa maanta lagu dilay gudaha magaalada.
Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliiska Galmudug, waxa uuna u dhacay si ku tala gal ah sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa.
Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullahi Dhiblaawe waxa uuna ka mid ahaa shacabka ku noolaa magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xaafadda Waaberi, waxaana goobta isaga baxsaday askarigii dilka gaystay.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka soconaya hawlgallo ay wadaan laamaha amniga Galmudug, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo qabto askariga dilka gaystay.