Somali News

Askari ka tirsan Puntland oo Suldaan ku dilay Sanaag.

Muqdisho-KNN- Maanta waxaa  degmada Baran  ee gobolka Sanaag ku dhintay  Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah salaadiinta Puntland ,kadib markii Askar ka tirsan ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka ay rasaas ku fureen  gaari uu kaxeynayay Suldaanka ,xili uu ku soo socday goobta lagu baaro Gaadiidka.

Marxuumka la dilay  ayaa waxaa maanta lagu aasay degmada Baran ee Gobalka Sanaag .

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dilka marxuunka.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka  Puntland oo ku sugan Degmada Baran ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.