Uncategorized

Askari kamid ah ciidanka Dowladda oo caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Muqdisho-KNN-waxaa ay kooxo ku hubeysan sida la sheegay Bistoolad ay dil u geyteen Askari kamid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda hoteel Towfiiq ee degmada Yaaqshiid waxaana ragga askariga dilay ay sidoo kale dhaawac u geysteen qof shacab ah oo goobta ka dhawaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa inoo xaqiijiyay dilka loo geystay askariga iyo dhaawaca soo gaaray qofka shacabka ah.

waxaa ay sidoo kale mas’uuliyiinta degmada inoo sheegeen in ciidamada amaanka ay ku raadjoogaan ragga dilka u geystay askariga sidoo kale na dhaawacay qofka shacabka ah kuwaas oo goobta ka baxsaday.