Somali News

Askari Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa Darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Debka, sida uu Goob-jooge u sheegay Radio Kulmiye.

Askariga ayaa la sheegay in uu Rasaas ku furay marxuumka kadib markii ay murmeen. Goob-joogeyaasha ayaa sheegay in murankoodu uu ka dhashay Biyo wadada yaalay oo mootada marxuumku ku sayrisay askariga dilka geystay.

Askarigii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana rasaastii uu riday ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah.

Darawalkii mootada ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray kadib markii Cusbitaalka loola cararay, sida uu sheegay goob-joogaha la hadlay KNN.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dil u geysta dhalinyaradda mootada Bajaajta ku shaqaysta. Ilaa iyo hadda hal Askari ayaa oo lagu helay in uu dilay Darawal Mooto Bajaaj ayaa dil lagu xukumay 25kii Bishii May ee sanadkaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Cali Maxamud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya oo 8-dii May ku dilay magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj.