Hargeysa-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada hargeysa ayaa sheegaya in Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada somaliland ay xalay dil isugu geyseen Xaafada Maxamed Mooge ee ka tirsan magaalada Hargeysa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ah ciidamada soomaaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee Xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Rasaasta ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus soo gaaray uu u geeriyoodo, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Askarta ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada oo ku yaala xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga wax dilana magaciisa lagu soo koobay Dacar.
Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Soomaaliland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan wixii ka dhacay bartamaha Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.
Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.