Somali News

Askari lagu eedeeyay Dilka Paul Anthony Farmosa oo xukun lagu riday.

Boosaaso-KNN-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka  Puntland ayaa saakay  waxaa uu u fariistay dhegaysiga dacwad loo haysto askari ka tirsan ciidanka ee Puntland oo ku eedaysan in uu fududeeyay dilka Maareeyihii shirkadda P iyo O Paul Anthony Farmosa.

Askariga ayaa ka mid ahaa dadkii loo qabtay dilka Maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta DP World kaasi oo 4-Feb-2019 uu nin hubaysan ku dilay gudaha magaalada Boosaaso.

Askariga xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu magacaabaa Dable Cabdi cali xirsi, kaasi o lagu eedeeyay inuu dil u geystay masuul ka tirsanaa shirkada DP World ee ka howlgalaysay Dekeda Boosaaso.

Maxkamada ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in askariga  lagu xukumay dil toogasho ah balse sida maxkamaddu sheegtay waxaa u furan bil rafcaan ah.