Somali News

Askari xalay lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Muqdisho

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsanaaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Xaafadda Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab.

Koox ku hubeeysneed Bastoolado ayaa askarigan dishay waxa uuna dilkani dhacay Xilli lagu gudo jiray Salaaddii Cishe.

Kooxdii dilka geeysatay ayaa ugu danbeeyntii masjidka isaga baxay waxa ayna horay usii qaateen Askarigii ay dileen qorigii uu sitay.

Masjidka uu dilkan ka dhacay waxaa meel aan sidaa uga fogeeyn ku sugnaa Ciidamo Boolis ah sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degan xaafadda Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab.

Wali Taliska Ciidamada Booliska ee degmada uu dilkan ka dhacay kama aysan hadal dilka loo geestay askarigan.