Muqdisho-KNN-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda kiiska askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, kaas oo Ramadaan lasoo dhaafay laba qofood oo shacab ahaa ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Xilliga uu dilka geystay askarigan waxa uu ku gudajiray dhaqan gelinta bandowgii ay dowladdu ku soo rogtay Muqdisho Coronavirus awgiis, waxuuna gurigiisa ku hor toogtay Allaha u naxariistee Xasan Cali Cadaawe, iyadoo isla xabadaasi dishay Madiino Cabdullaahi Cabdi, kuwaas oo goobta ku wada geeriyooday.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga dilalkaas geystay lagu fuliyo khisaasta marxuumiintii uu dilay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto Dable Xasan Aadan Maxamed.
Dilalka uu dadkaas shacabka ahaa u geysatay askarigan waxa ay sababaeen dibadbaxyo waaweyn oo gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadkii dibad baxayey lagu qanciyey inay cadaalad heli doonaan gacantana lagu soo dhigay askarigii geystay falkaas.