Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay Askeri katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya waxa ay ku dileen Isgoyska Afarta Darjiin ee Muqdisho
Waxaana goobta iskaga baxsaday ragin hubesnaa ee dilka u geystay Askriga.
Daqiqado kadib halka uu dilka uu kadhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya iyagoona baaritaano kooban ka sameeyay halka uu dilka uu kadhacay, wallow aan la sheegin cid loo soo qabtay dilka Askerigaas.
Dilkaan loo geystay Askriga ayaa imaanaya iyadoo shalay galinkii danbe ay lahadashay warbaahinta Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska Gen. Zakiya Xuseen oo sheegtay in howlgalo baaritaano ay ka sameeyeen duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo shaacisay in dagmooyinka ay ka koobantahay magaaladu in ay ku soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo Al-shabaabnimo.