Somali News

Australia oo cabasho xooggan u dirtay dhiggeeda Qatar

Australia ayaa “cabasho xooggan” u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney.

Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma markaas dhashay oo lagu tuuray suuli ku yaal garoonka.

Canuga oo aan weli la aqoonsan ayaa waxaa la wareegtay dowladda Qatar oo xanaanadiisa gacanta ku haysa.

Dumarka la baaray si loo ogaado inay canuga dhaleen ayaa waxaa kamid ahaa 13 u dhashay waddanka Australia.

Waxaa la geeyay gaari kuwa gurmadka degdega ah oo yaallay dhabaha diyaaradaha, waxaana loo sheegay inay iska siibaan dharka oo dhan ka hor inta aan la baarin xubintooda taranka, sida ay ku warrantay warbaahinta Channel Seven.

Haweenkaas ayaan loo sheegin sababta loo baaray, waxaana ay raaceen diyaaradda Qatar Airways oo duulimaadka samaysay 2-dii bishan October.