Uncategorized

Australia oo ku gacan seertay dib u dajinta qaxooti ka socday waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay

Muqdisho-KNN-Dowlada Australia ayaa liiska dib u dajin Qaxootiga ka socda wadamada Soomaaliya, Iiraan, Suudaanta Koofureed u diiday, iyada oo aan wax faafaahin ah ka bixinin sababta ka dambeysa arintaasi.

Australiya ayaa qaxootiga ka socda wadamadaan u sheegtay in aysan suura gal aheyn in la aqbalo codsigooda isla markaana ay dib u dajin ka heli Karin Dowlada Australia.

Mashruucan ayaa markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in ay ka faa’deystaan dadka dalalkooda ay ka jiraan colaadaha iyo maamullada gacanta adag, waxaana waddamada la oggolyahay ka mid ah, Congo, Afghanistan,  Eritrea,  Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.

Hay`adaha u dooda xaquuqul aadanaha ayaa arintaan dhaliilay aadna u cambaareeyay waxayna ku tilmaameyn nasiib daro weyn, iyo xagudubyo dhanka Bini`aadinimada ah oo ay ku ka ceyso dowlada Australiyaa.

Dhankale hogaamiyaasha mucaaradka ee wadankaasi ayaa dhankooda ka hor yimid arintaani waxayna sheegeen in go’aanka ay gaareen Xukuumadda ay xadgudub weyn ku tahay dastuurka Dalka Australia.

Waxaa kaloo ay tilmaameen in tallaabo ay qaaddi doonaan dowladda hadda  jirta, arintaana ay muujineyso takoorid lagu sameynaayo qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Hadalkaan ka soo baxay dowlada Australia ayaa imaanaya xili dalkaasi ay qaxooti u joogaan Soomaali badan, kuwaas oo hadda ka walaacsan arintaani.