Somali News

Australia oo qiratay in ciidamadeeda ay dambiyo dagaal ka gaysteen Afghanistan.

Dowladda Australia ayaa soo bandhigtay cadeemo muujinaya in ciidamadooda ay dambiyo dagaal ka gaysteen gudaha wadanka Afghanistan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Australia ayaa sheegtay in ay soo gaba gabeesay baaritaan qaatay afar sano oo ay ku waday dambiyada ay ciidamadooda ka gaysteen Afghanistan.

Warbixinta ayaa sheegayso in in askarta ay si sharci daro ah ku dileen 39 ruux oo shacab ah intii ay socotay colaada wadanka Afghanistan.  

Warbixinta ayaa sidoo kale muujinayso in 19 kamid ah askarta haatan ama kuwii hore ay boolisku ku sameeyeen baaritaano ku aadan dilal ay ku gaysteen maxaabiis, beeralay iyo dad shacab ah intii u dhaxeesay sanadihii 2009 illaa 2013.