Somali News

Axmad Madoobe oo kulan la qaatay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .

Kulanka Madaxwaynaha iyo madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ayaa lagaga hadlay arimaha dib usoo celinta qoxootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo kahor dalka ku dhufatay.

Sidoo kale waxaa loogga hadlay  sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah, ee soo noqnoqda.