Somali News

Axmed Aadan Axmed oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP-127.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP127 kaa oo ay ku tartamayeen Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed.

Gudoomiyaha gudiga Doorashada Dr Siyaad ayaa shegay in Musharaxa guuleeystay uu yahay Axmed Aadan Axmed kaa oo helay codad gaarayo 84 cod

Murashaxa la tartamayay oo ahaa Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi ayaa isna helay 16 cod.

Guddiga ayaa sidoo kale shegay ij ay halaabeen 1 cod,sidaa awgeed gudoomiyaha ayaa shegay in Axmed Aadan Axmed uu yahay murashaxa guuleystay.

Waxaa socoto Doorashada kursiga HOP-118 kaa oo ah kan ugu danbeeyo kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada kismaayo oo ahaa 3 kursi.