Somali News

Axmed Karaash oo hambalyo la wadaagay shaqaalaha Soomaaliyeed

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fariin hambalyo ah la wadaagay shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed waxaan hambalyo diiran u dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed si gaar ah shaqaalaha Puntland ee u heelan inay u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda iyada oo ay jiraan duruufo badan.” Ayuu ku yiri qoraalkaas kooban uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Maanta oo ah 1-da bisha May waxaa sanadkasta loo dabaal degaa dunida munaasabada maalinta shaqaalaha Adduunka, waloow markii Soomaaliya la joogo aan si weyn loogu dabaal degin, sababo la xiriiro duruufo adag ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Soomaaliyeed, iyagoo aan helin dhiirigelin, daryeel iyo tababaro ku aadan xirfadooda ama kuwa kale.