Somali News

Axmed Karaash oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiir ka tirsanaa Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geeriga Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday caasimadda Garoowe ee gobolka Nugaal.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Madaxweynuhu, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba.