Somali News

Axmed Karaash oo maanta lagu wado inuu la kulmo madaxda Imaaraadka Carabta.

Muqdisho-KNN-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo safarkiisii ugu horeeyey ku tagay  magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Axmed Karaash oo ka kicitimay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti kadib markii uu ka qaybgalay xuska xorriyadda Jabuuti ayaa waxaa Dubai ku soo dhoweeyey masuuliyiin iyo qurba joog Soomaaliyeed.

Madaxda Imaaraadka Carabta iyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa la filyaa in ay ka wada hadlaan xaalada xiligan ka jirta deegaanada Puntland iyo sidii deeq loogu yaboohi lahaa Maamulkaasi.

Inkastoo aysan madaxtooyada Puntland wax war ah ka soo saarin socdaalkiisa.