Somali News

Axmed Karaash oo u safray dalka Turkiga

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hogaamimanayo madaxweyne ku xigeenka maamul Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga,waxaana garoonka ku sagootiyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland iyo masuuliyiin kale .

Madaxweyne ku xigeenka ayaa safarkiisa ka hor waxa uu saxaafadda uga warbixiyay ujeedka safarkiisa, waxa uuna sheegay in safarkiisu uu ku aadan yahay si uu uga qayb galo shirka maalgeshiga Afrika, oo ka dhacaya dalka Turkiga,kaas oo lagu martiqaaday qaar ka tirsan madaxda Afrika .

Waxa uu sheegay in safarkiisan uu daba joogo shirkii shirkadaha maalgeshi ee ay Puntland martigelisay,kaas oo  muddo hal toddobaad ah ka socday magaalada Garowe ee caasimada u ah maamulka Puntland .

Waxa uu xusay Axmed Karaash in maamulka Puntland uu marwalba fursad u siin doono shirkadaha doonaya in ay maalgashadaan deegaannada Puntland .

Safarka madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu ku aaday dalka Turkiga  ayaan la shaacin muddada uu qaadan doono .