Uncategorized

DHAGEYSO-:Axmed Madoobe” Baroor diiq iyo Maryo gaduudan oo wijiga lagu xirto Xal uma Noqoto Weerarada Al-Shabaab”

Muqdisho-KNN-Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Shirka ka socda magaalada Muqdisho ayaa madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ku dhaliilay sidii looga Jawaab celiyay Weeraradii Xanuunka Badnaa oo ay Al-Shabaab bishaan Gudaheeda ku qaadeen Isgoyska Zoobe iyo Hotel-ka Naasa-hablood ee degmada Xamar-weye.

Axmed Madoobe ayaa Madaxda qaranka u sheegay in aysan marna jawaab u noqon Karin weeraradii xanuunka badnaa Maryo gaduudan oo madaxa lagu xirto iyo daqiiqado loo aamuso, waxa uuna Madaxa qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada u sheegay in aysan diin aheyn dadkii dhintay loo aamuso daqiiqo balse loo baahan yahay in loo aar gudo Shacabkii dhamaaday arintaasna la iska kaashado.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyay in laga hor tago oo xarumahooda la weeraro Al-Shabaab ka hor inta aysan geysan weeraro kale oo lamid ah Musiibooyinkii is xig xigay Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Codka Axmed Madoobe