Garoowe-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay doorashada ku soo wajahan dalka ee dhici doonto Sanadka 2020-ka, waxaa sheegay Axmed Madoobe in mar xalada uu xiligan dalka ku sugan yahay aysan macquul ahayn qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u adag tahay ,isla markaana Masuuliyiinta Dowlada federaalka Soomaaliya ay ku mashquulsan yihiin burburinta Madaxda Maamul goboleedyada halkii ay shaqadii loo igmaday ay qaban waayeen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale madaxweynaha jubbaland wuxuu sheegay in doorasho aysan nooceeda raali ka ahayn shacabka iyo madaxda Maamul goboleedyadu aysan ka dhici doonin Soonmaaliya sanadka 2020.


