Somali News

Axmed Madoobe iyo Deni oo ku soo wajahan Muqdisho

Saacadaha soo socda, waxaa lagu wadaaa in War-murtiyeed laga soo saaro Shir xalay Magaalada Garoowe uga socda Madaxda Puntland iyo  Jubbaland.

Shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan Golayaasha labada dhinac, oo ay weheliyaan Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlaamanka Soomaaliya.

Shirka waxa looga arrinsanaya mowqifka labada Maamul ee ku wajahan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021, oo aan weli heshiis midaysan laga gaarin Hannaanka ay u dhacayso.

Xog hoose oo ay heshay KNN Shirka Garoowe, waxay sheegaysaa in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay aqbaleen dadaal dhex-dhexaadin ah oo uu wado  Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Deni iyo Axmed Madoobe ay maalmaha soo socda ka degi doonaan Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan gaar ah kula yeelan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Villa Somalia.

Sidoo kale, waxay la kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, si loo dhammeeyo tabashada Puntland iyo Jubbaland ka qabaan Shirkii Dhuusamareeb 3, islamarkaana loogu ballamo shir kale oo lagu turxaan-bixiyo Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada.