Somali News

Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruud adag ku xiray ka qeyb galka shirka ka furmaya Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka 9-ka bishan madaxda dowlad goboleedyada dalka uga furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay ku wargeliyeen in Dhuusamareeb aysan imaan doonin inta ay joogaan ciidamada Haramcad oo qeyb ka ah booliska Soomaaliya, isla markana toos uga amar qaata dowladda federaalka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maanta ciidamada Haramcad ka jooga Dhuusamareeb oo gaaraya 200 oo askari loo soo daabulo Muqdisho markii hore laga qaaday, xilligii la dooranayey madaxweyne Qoor Qoor.

Markii ciidamadaas laga soo qaado Galmudug kadib ayaa lagu wadaa in madaxda dowlad goboleedyada dalka ay isla maanta gaaran Dhuusamareeb, oo Khamiista berrito uu shir uga furmayo.