Somali News

Axmed Madoobe iyo Hogaamiyaasha Gaarisa oo kulan qarsoodi ah qaatay

Kismaayo-KNN-Madxaweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa uu kulan qarsoodi ahaa uu la qatay mas’uuliyiinta  ka tirsan dowladda Kenya gaar ahaan kuwa Soomaalida ah.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily nation ee ka soo baxa dalka Kenya Axmed Madoobe ayaa magaalada Gaarisa, waxaa uu kulan kula qaatay odayaal dhaqameed iyo sido kale mas’uuliyiin xilal haya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa la kulmay Nabaddoon Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Gaarisa.

Wargeyska ayaa waxaa uu Nabadoonka weydiiyay inuu faahfaahiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen,  balse waxaa uu diiday inuu sharaxaad ka bixiyo.

Axmed Madoobe ayaa ayaa xiligan waxaa uu wajahayaa cadaadis kaga imaanaya Siyaasiyiin la sheegay in ay wato dowlada Soomaaliya, maadaama dhawaan la filayo in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.