Somali News

Axmed Madoobe oo cambaareeyay dil loo geystay Suldaan Rashiid Durre

 Kismaayo-KNN-Madaxweynaha dowladda Jubbaland, mudane  Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa tacsi u diray dhamaan shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelladii uu ka baxay marxuum Suldaan Rashiid Durre oo ka mid ahaa salaaddiinta dadka ku nool Jubbaland, kaasoo xalay lagu dilay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Suldaan Rashiid uu laf-dhabar u ahaa midnimada iyo nabad kuwada noolashaha shacabka Jubbaland wax badana uu waqtigiisa u huray nabadeynta iyo walaaleynta shacabka Jubbaland.

Sidoo kale, Hay’adaha Amniga Jubbanad ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg-deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay kusoo dhigaan gacana kuwii falkan ka dambeeyay.

“Waxaan hay’adaha amniga farayaa inay jawaab dhaqso badan ka bixiyaan dilka suldaanka, waxaana laga doonayaa laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii falkaas ka dambeeyay, si cadaaladda loo hor-keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe.