Uncategorized

Axmed Madoobe oo dhaliilay dowlada dhexe, taageerayna dowlada Imaaraadka

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmihii dambe safar ku marayay wadamada Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaaa markii uu soo laabtay wuxuu ka warbixiyay wax yaabihii uu kala hadlay maadaxdii kala duwneed ee uu kala kulmay.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu dhaliilay madaxda dowlada dhexe ee Soomaalliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada oo ku dhaliilay in ay si toos ah ula safteyn dowlada Qadar, islamarkaana dowladihii kale ee Khaliijka ay fogeeyeen.

Waxa kaloo uu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland khilaafka kala dhaxeeyana qaar ka mid ah dowlada Khaliijka dowlada Soomaaliya gacmaheeda ay ku raadsatay.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale eedeeyay wafdigii gurmadka Qaran ee fatahaadaha ee dhawaan booqday magaalooyin katirsan gobolka Gedo, kuwaas oo qiimeynayay xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Jubba iyo saameyntii ka dhalatay fatahaadaasi.

Wuxuuna ku dhaliilay in ay tixgalinin maamulkii arimahaasi gacmaha kula jiray.