Somali News

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu qabtay  Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,khilaafka Jubbaland ee dowladda & Shirkii Iskaashiga ee ka dhacay Magalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay  in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka ree Jubbaland.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegeen inuu qaadacay shirka caalamiga ee iskaashiga soomaaliya oo shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.