Uncategorized

Axmed Madoobe oo Fariin Canaan ah u diray Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Madaxda Dowladda.

Kismaayo-KNN- Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Shalay Galab dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka ka soo dhax Cusboonaaday Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Kuwa Dowladda dhexe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dalka uusan ka bixi karin Khilaaf siyaasadeed Islamarkaana wadahal iyo isfahamsan lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshiyaha ku saleysan Arimaha Khaliijka kaas oo Khilaaf siyaasadeed ka dhax Abuuray Madaxda Dowlad Gobaleedyada dhaxdooda iyo Madaxda Qaranka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Madaxda Maamul Gobaleedyada go’aanka ay ka qaateen Xiisadda Khaliijka ay ku qaldanyihiin Islamarkaana lagu xad-gudbay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, sidoo kale Axmed madoobe ayaa Madaxda Dowladda ku dhaliilay in ay dagaal u muujinin Dowlad Gobaleedyada halkii ay sixi lahaayeen qaladaadka dhacay.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa Khudbadiisa aheyd mid Nabadoonimo ah waxa uuna Madaxda Qaranka iyo Kuwa maamul Gobaleedyada mid walba ku dhaliilay Qaladaadka ay ku jiraan isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo Qadobada 53-aad iyo 54-aad oo iska hor imaanayo kuwaas oo sabab u noqday in ay go’aan Khaldan qaataan Maamul Gobaleedyada Dalka.

Ugu danbeyntii waxa uu Iclaamiyay Shir Kismaayo lagu qaban doono Kaas oo marka hore yeelan doonaan Madaxda Maamul Gobaleedyada islamarkaana ay isku sheegi doonaan waxybaaha ay ku qaldan yihiin kadibna ay soo qoran doonaan Waxyaabaha ay kaga qaldan tahay Dowaldda Soomaaliya kadibna wadahal iyo Isfaham ku dhameyn doonaan.

kulanka Madaxda Maamulada Kadib ayuu sheegay in ay la kulmi doonaan Madaxda Qaranka isagoo Carab ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya looga danbeeyo Go’aanada Arimaha Dibadda halka Dowladana looga baahan yahay in ay qanciso Maamul Gobaleedyada Dalka.