Somali News

Axmed Madoobe oo gaaray Boosaaso.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo, isagoona gaaray Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kalan gaar ah hada la qaadanayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni).

Kulankaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in labada madaxweyne ay uga hadlayaan doorashada 2020 illaa 2021-ka iyo hanaanka kala guurka ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaani gaarka ah la filayaa in lagu soo qaado xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan midka Puntland iyo Jubbaland.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Axmed Madoobe uu ku tago deegaannada Puntland tan iyo markii dib loo doortey