Uncategorized

Axmed Madoobe oo Guddi u Xulay qaban-qaabada Shirka Maamul Gobolleedyada ee Kismaayo

Kismaayo–KNN– Todobaadkii hore ayey aheyd markii Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu kaga dhawaaqa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inuu qabanayo Shir lagu dhex dhexaadinayo Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda federaalka iyo Dowladda Dhexe,Shirkaas oo Kismaayo ka dhici doona.

Shirka ayaa ah mid looga hadlayo Xurgufta soo kala dhex gashay Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira oo intooda badan la safan Xulufada Sacuudiga iyo Dowladda Dhexe ,iyadoo diiradda lagu saari doono Shirkaasi inta uu socdo Waxa ay Xaqqa u leeyihiin Maamul Gobolleedyada iyo waxii lama dhaafaan ah oo Dowladda Dhexe ay Waajib u leedahay.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddi qaban qaabiya Shirka ay Jubbaland Marti gelineyso,waxaana Guddiga uu u Xulay kamida Labadiisa Madaxweyne Kuxigeen iyo Xubno ka mida Golaha Wasiirada Jubbaland.

Inta badan Madaxda Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira ayaa la saftay Xulufada Sacuudiga,waxaana intaas ka dib qaar kamida Maamul Gobolleedyada ka dhex bilowday Khilaaf kii ugu Xumaa oo Sababay in Maamulada qaar ay dumiyaan Hay’addihii Dowliga ahaa Sida Maamulka Galmudug oo kale.