Somali News

Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe

Sida ay sheegayaan Wararka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland.

Axmed Madoobe, ayaa sida uu qorshaha yahay markii gaaro Garoowe, waxa uu kulan la qaadan doona Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadli doono arrimo ku saabsan Doorashada soo socota ee 2020/2021, ee Soomaaliya, iyo heshiiskii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo ka qeyb galeen Madaxweyne Farmaajo, maamulada Koofur galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doono sidii ay u sii xoojin la hayeen Xiriirka ka dhaxeeya labada Maamul.