Somali News

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xubno ka soo horjeeda maamulkiisa

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxa uu maanta magaalada Kismaayo kulan kula qaatay, xubno ka soo horjeeda maamulkiisa.

Xubnaha uu maanta la kulmay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland, ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cali Xuseen Nuur Cali Dheere iyo General Cabdi Mahdi oo kamid ah xubnaha sida weyn u dhaliilsan maamulka Axmed Madoobe.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan, iyadoo ujeedkiisu ahaa sidii loo wada hadalsiin lahaa xubnahan iyo Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxaa la israacay sidii looga wada shaqayn lahaa, midnimada maamul Jubbaland iyo danaha shacabka , isla markaasina loo joogtayn lahaa kulamada noocan oo kale ah.

Kulanka ayaa waxa uu qayb ka noqonayaa dadaallada uu Axmed Madoobe ku doonayo sidii uu xal ula gaari lahaa, xubnaha ka aragti duwan maamulkiisa.