Uncategorized

Axmed Madoobe oo la kulmay Qalbidhagax

Addis-Ababa-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa booqday xabsiga uu ku xiran yahay Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo katirsanaa Jabhadda ONLF.

Qalbidhagax ayaa dowlada federaalka Soomaaliya u dhiibtay dowlada Itoobiya bishii Augusto ee sanadkii hore, kaas oo lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Addis abbab ee xarunta dalka Itoobiya.

Axmed madoobe oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa mas`uuliyiinta dowlada Itoobiya kala hadlay xariga C/kariim Muusa Qalbidhagax, wuxuuna ka dalbaday in la sii daayo Qalbidhagax.

Wararka soo baxa ayaa tilmaamaya in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo C/kariim Muuse Qalbidhagax oo u xiran dowlada Itoobiya.