Somali News

Axmed Madoobe oo lagu wado inuu furo kalfadhiga baarlamaanka Jubbaland

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta la filayaa in uu furo kalfadhiga Sadexaad ee Golaha wakiilada Jubbaland.


Munaasabada furitaanka ayaa hadda ka socota xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo halkaas hadda ay ku sugan yihiin Guddoonka Golaha Wakiilada Jubbaland,Ciidanka Baanbayd iyo ururada Bulshada rayidka ah.


Golaha wakiiladda Jubbaland ayaa fasax ku jiray labbadii bilood ee ugu danbeeyey.