Somali News

Axmed madoobe oo maanta ku wajahan Garoowe.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshahu yahay  isaga iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay  ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka  iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa la filayaa in ay ka wada-hadlaan Xallinta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamulka ka jira dalka

Wixii ku soo kordha la soco.