Somali News

Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland

Kismaayo-KNN-Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa magacaabay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo mudooyinkaan dhanba laga dhowryay magacaabista guddigaan.

Xubnaha la magacaabay ee guddiga Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ka kooban 7 xubnood waxaana laga dhowrayaa in ay isku daba-ridaan doorashada Jubbaland ee Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in uu la soo daahay magacaabista guddigaan. Musharaaxiin badan ayaa dalbanayay magacaabista guddigaan walina ma jirto cid ka hadashay guddigaan oo xalay uun la magacaabay.