Somali News

Axmed Madoobe oo magacaabey guddiga qaban qaabada aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta waxa uu magacaabay guddiga qaban qaabada aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland Marxuum Macalin Maxamed Ibraahim Maxamed ee geeriyooday.

Axmed Madoobe ayaa guddigan oo ka kooban 7 xubnood, waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland,guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland, wasiirro,salaadiin,Odayaal dhaqameed iyo guddoomiyaha ganacsatada Jubbaland, waxaana ay dhammaantooda ka shaqayn doonaan qaban qaabada aaska wasiirkii waxbarshada Jubbaland.

Saacadaha soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in meydka lagu aaso magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubbaland.