Somali News

Axmed Madoobe oo saacadaha soo aadan gaari doono Boosaaso

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Kismaayo, isagoona ku sii jeeda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kalan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni).

Kulankaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in labada madaxweyne ay uga hadli doonaan doorashada 2020 illaa 2021-ka iyo hanaanka kala guurka ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaani gaarka ah la filayaa in lagu soo qaado xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan midka Puntland iyo Jubbaland.