Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa Xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi dhamaantooda looga dhageystay Waxyaabihii u qabsoomay.
Axmed Madoobe oo Shirka ka hadlay ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyay safar uu dhawaan ku tagay dalka Kenya, waxaa uuna sheegay inuu la kulmay Safiirada iyo masuuliyiinta qaar ka mid ah wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya iyo wadamada ay Ciidamadu ka joogan AMISOM.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in caalamka uu ka dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.
Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa la qabtay Maalin kasto oo khamiis ah.
Halkan ka daawo Sawirada.





