Somali News Uncategorized

Axmed Madoobe oo u safray Kismaayo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmad Maxamed islmaam Madoobe oo maalmahaan Safar ku joogay Muqdisho ayaa goordhaw u duulay Magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarka Madaxweynuhu waa ka qeyb galka Aaska Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi oo ku Geeriyooday Qarax Ismiidaamin ahaa oo lagula Eegtay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho ugu sugnaa si uu uga qeyb galo shir wada tashi ah oo maalinka barrito u furmaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.