Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta waxa uu magaalada Kismaayo ee xarunka ku meel gaarka u maamulka Jubbland, uu shir uga furay Odayaasha iyo waxgaradka beelo dhawaan ku dagaalamay gobolka Jubbada Hoose.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu wada hadal-siinayay, Odayaasha labada dhinac ee dagaalku dhawaan ku dhex maray deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxa uu ahaa ujeedada shirkan sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka dhex jirta labada beelood.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaanno, wasiirro, Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo qayb ka ahaa shirkan waan-waanta ah ee uu soo abaabulay maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac in ay halkaas ku soo afjaran colaadda, maadama ay yihiin dad walaalo ah oo haddana isku deegaan ah.