Somali News

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray nabadoon lagu dilay Kismaayo

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dilka xalay ay kooxo hubeysan ay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ugu geysteen Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa   ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo uu sheegay in ay  Al-Shabaab ay ku dileen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

Ciidamada amaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan xaafadaha magaalada Kismaayo, kuwaasi oo baadi goobaya kooxdii ka dambeysay dilka loo geystay Nabadoon caan ka ahaa Magaaladaasi.